Hay’adda SODMA Oo Dooni Gargaar ah U Dirtay Jubaland

Published: December 10, 2023

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa dekedda weyn ee magalaada Muqdisho, waxaa ay dirtay Dooni sida shixnad mucaawino gargaar ah taas oo maalmaha soo socda lagu wado in ay gaarto magaalada kismaayo.

Gargaarkaan ayaa gaaraya in ka badan 900 oo Tan oo raashin ah, waxaana shixnadaan gargaar oo hore dowladda ruushka dalkeena ugu deeqday lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Jubbaland si gaar ah Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo shacabkii ka soo barakacay Gobolka Jubbada dhexe oo haatan, iyaga oo wajahaya xaalad adag ku sugan duleedka kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa gargaarkaan ku wareejiyey wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowlad goboleedka Jubbaland.

Horseed Media