Heshiis dhexmaray Putin iyo Kooxda Wagner

Published: June 25, 2023

Kacdoonkii ay bilaabeen kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa soo gaba-gaboobay kadib markii ay heshiis wada gaareen Madaxweynaha Ruushka Putin iyo hogaamiyaha kooxdaasi Yevgeny Prigozhin.

Heshiiskan deg degta ah ayaa yimid kadib markii ciidamada Wagner ay bilaabeen kacdoon ka dhan ah Militariga Ruushka iyagoo la wareegay Taliskii koonfurta dalkaasi ee Rostov, isla markaana u soo dhaqaaqay dhinaca caasimada Moscow.

Dowlada Ruushka ayaa shalay xirtay wadooyinka ka yimaada koonfurta dalkaasi ee soogala caasimada, iyadoona ay jireen iska horimaadyo kooban oo dhexmaray ciidamada gadoodsan ee Wagner iyo militariga.

Putin ayaa Sabtidii sheegay in tilaabo laga qaadi doono kooxda Wagner isagoo ku tilmaamay falkii ay ku kaceen “Khiyaano Qaran“, balse saacado kadib ayey Madaxtooyada Ruushka shaacisay in heshiis ay wadagaareen Taliska dalkaasi iyo Kooxda Wagner.

Heshiiska Wagner
In kastoo heshiiskan aan weli faah faahin laga heyn, ayaa hadana qodobada ay Madaxtooyada Putin shaacisay waxa kamid ah;

-In kooxda Wagner ay joojiso gadoodka.
-In hogaamiyaha kooxdaasi Prigozhin u guuro dalka ay Ruushka jaarka yihiin ee Belarus.
-In aan maxkamad lasoo taagi doonin xubnaha kooxda Wagner ee gadoodka sameeyey.
-In Qandaraasyo horleh loo saxiixi doono shirkada Wagner iyo ciidamadooda Calooshood u shaqeystayaasha ah.

Waxaan la ogeyn sida laga yeeli doono kumanaanka kun ee ciidamada Wagner oo ay ku jiraan kumanaan kun oo ah maxaabiis shirkadaasi ka dhigtay askar ka dagaalanta dalka Ukraine.

Hogaamiyaha Wagner Prigozhin ayaa sheegay in heshiiskan uu qaatay si looga hortago dagaal sokeeye oo ka dhex dhaca dalka Ruushka, wuxuuna xalay saqdhexe isaga baxay magaaladii uu qabsaday, isagoo la sheegay in uu ambabaxay dalka Belarus.

Kacdoonka kooxdan ayaa ahayd khatartii ugu weyneyd ee soo wajahdka xukuumada Putin, manacada in sheekadan halkaasi ku dhamaan doonto, waxaana la filayaa inuu Madaxweynaha Ruushka qaadi doono tilaabo uu uga hortagayo in kacdoon noocaan oo kale ah dib uga dhaco dalkaasi.

Horseed Media