Hiiraan: Ku dhawaad 400 oo qoys oo ka barakacay Fatahaado uu sameeyey Webiga Shabelle

Published: April 10, 2023
Shares4

Ku dhawaad 400 (Afar boqol) oo qoys ayaa barakacay si ay naftooda uga badbaadiyaan halista uga imaan karta fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geystay deegaannada dhaca Waqooyiga Gobolka Hiiraan.

Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee Gobolka Hiiraan waxa uu saameyn taban ku reebay dhul daaqsimeed ballaaran oo xoolaha ay daaqayeen kaddib markii biyo badan ay fadhiisteen oo Dadkii deegaanka ku ahaa isaga barakaceen.

Qaar kamid ah Dadka deegaannada fatahaaddu saameysay ayaa ka digay in ay go’doon galaan deegaanno horleh oo biyuhu ku hoorayaan maadaama dhul ahaan ay ka hooseeyaan deegaannadaas fatahaadda gaartay.

Fatahaadan uu sameeyey Wabiga Shabeelle ayaa ku soo aadaya xilli Roobka Guga uu ka curtay deegaanno badan oo katirsan dalka.

Horseed Media