Hiiraan: Qarax ka dhacay degmada Maxaas

Published: September 5, 2023
maxaas

Wararka laga helaayo Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax weyn oo magaalada laga maqlay.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari bom lagu soo xiray kaas oo ku qarxay banaanka hore ama halka magaalada laga soo galo. xilliga la maqley qaraxa waxaa magaalada ku sugnaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaarey halkaas maalintii Axadda.

Muuqaal laga duubey qaraxa ayaa muujinaya in waxyeeladu soo gaartey gaarigii iyo qofkii wadey, lama sheeg cid kale oo wax ku noqotey qaraxa.

Horseed Media