Hirshabeelle: Xuska Munaasabadda 1da Luulyo Oo Lagu Qabtay Magaalada Jowhar

Published: July 1, 2023

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 63-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay gobolada Koofureed ee dalkeenna ka xoroobeen gumaystihii Talyaaniga iyo Israacii Gobolada Waqooyi iyo kuwa koonfur ee Soomaaliya.

Munaasabadaan oo ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiye kuxigeenkiisa, Wasiiro, Xildhibaano, Qeybaha bulshada iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo ka hadlay Munaasabada ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay qiimaha ay leedahay habeenkaan wayn ee 1-da Luulyo, isagoo sheegay in rag dhalinyara ah ay naftooda u hureen gobanimada aynu maanta haysano loona baahan yahay rag dhalinyaradaas la mid noqda oo dalkeenna ka xoreeya khawaarijta caadeysatay daadinta dhiiga shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guulo waaweyn oo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada Hirshabeelle laga gaaray dagaaladii lala galay Khawaarijta oo maanta ay xoryihiin dhamaan deegaanada dhaca bariga Hirshabeelle dhowaana wajiga 2-aad ee howlgalada laga bilaabi doono deegaanada dhaca galbeedlka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa xusay in degmooyinka Buulo burde, Maxaas, Moqokori, Aadan-yabaal iyo Cali Gaduud ay ka bilowdeen qorshaha xasilinta ee lagu horumarinayo deegaanadaas iyagoo heli doono xarumo waxbarasho, cusbitaal, Xarunta Maamulka, Saldhig iyo Nalalka soolarka si bilicda Magaalooyinkaas sare loogu qaado.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la aadayo doorashooyin toos ah oo bulshada loogu dhoweynayo awooda si ay u xushaan cida ay masiirkooda u dhiibanayaan, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool degmooyinka Hirshabeelle inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan hirgalinta doorashooyinkaas.

Ugu dambeyn Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray 12-kii saq-dhexe.

Horseed Media