Hogaamiyaha Milatariga Sudaan oo xilkii ka qaaday taliyaha ciidamada booliska ee dalkaas

Published: May 16, 2023

Hogaamiyaha Militariga dalak Suudaan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa xilka ka qaaday ku simaha wasiirka arimaha gudaha Anan Hamed Mohammed Omar oo sidoo kale ahaa taliyaha ciidamada booliska.

War qoraal ah oo uu soo saaray Gen Burhaan ayaa taliyaha guud ee booliska ugu magacaabay Khalid Hassan Muhyi al-Diin.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday, balse Gen Burhaan ayaa horay sidan oo kale wareegtooyin xilka uga qaaday guddoomiyihii bangiga dhexe iyo laba dublamaasi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Booliska ayaa la sheegay inay ka hawlgeli waayeen meelaha ay dagaalada ka socdeen oo ay ku jirto caasimadda, Khartoum, tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15kii Abriil.

Taas ayaa keentay in deegaanadaas ay si weyn uga dhacaan falal lidi ku ah sharciga oo ay ka mid yihiin dhac iyo boob.

Horseed Media