Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta xadhiga ka jaray furitaanka xarunta cusub ee Hay’adda…
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta xadhiga ka jaray furitaanka xarunta cusub ee Hay’adda iyo socdaalka Jinsiyadda oo Laantii 8aad ka furatay Caasimadda Laascaanood.
Munaasibadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xubna ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil ka socotay Hay’adda qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada SSC-Khaatumo.
Ugu horeyn, Hoggaamiyaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in muwaadinka loo dhaweeyo adeegga Dawladnimo, isagoonna tilmaamay in arrinkani yahay guul u soo hoyotay Shacabka SSC-Khaatumo maadaama ay deegaankooda ka qaadanayaan Baasaboorka Soomaliyeed oo ah xuquuq Dastuuri ah oo ay leeyihiin.
Dhanka kale, Hoggaamiyaha ayaa u mahadceliyey madaxda sare ee DFS uu ugu horreeyo Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Dhammaan Saraakiisha kala duwan ee Haayada Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ugu horreeyo Agaasimaha Guud ee hay’adda oo si weyn uga shaqeeyay dhismaha iyo dhammaystirka Maamulka.
Horseed Media