Hogaamiyayaal ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay duqeyn

Published: January 25, 2024

Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Al Shabaab oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale.

Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta.

Horjoogeyaasha lagu dilay weerarkan waxaa ka mid ahaa;

  1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.
  2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.
  3. Cabdikariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud.
  4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.
  5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ee Mudug.
  6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.
  7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Khawaarijta Galgaduud.
  8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.
  9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka.
  10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta.
  11. Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.