Hogaanka Ahlu-sunah oo sheegay in ay ka tanaasuleen Maamulka iyo Siyaasadda Galmudug.

Published: February 29, 2020

Hogaanka Ahlu-Sunah Wal-jameeca ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay ka tanaasuleen arimaha siyaasadda Galmudug, sidoo kale waxay sheegeen in ay Amnigga Dhuusa-mareeb iyo guud ahaan kii Galmudugna ay ku wareejiyeen Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Macalin Maxamuud oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay inaysan aqbali karin in dad shacab ah ay ku dhintaan dagaalo ka dhaca Galmudug sidaa awgeedna ay uga tanaasuleen dhammaan ka qeybgalka siyaasada Galmudug.

”Waxaan ka tanaasulney go’aankeenii siyaasadeed ee Hoggaaminta Galmudug , inagu diyaar uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor imaato , waxaan u taanaganahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca oo aan usii taagnaan doono” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ahlusunna.

Dhanka kale Sheekh Shaakir Maxamed Xasan waxa uu xusay in ay u tanaasuleen shacabka Magaalada Dhuusa-mareeb

“Waxaan u tanaasulnay shacabkeena markaan aragnay in dhib badan soo wajahan yahay, Hore ayaan ugu dhiibnay amnigii magaalada Dhuusamareeb waxaana laga rabaa in dowladu ay qaado mas’uuliyada amniga”

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dagaal ay la gashay Hogaanka culimadda Ahlu-sunah waxay gudaha u gashay xaruntii inji ee fadhigga u ahayd, sidoo kale warar hoose ayaa sheegay in hogaanka Ahlu-Sunah dhawaan gaari doonaan Magaalada Muqdisho.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *