Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo sheegay in dimuquraadiyadda Kenya ay halis ku jirto

Published: March 28, 2023

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dibadbaxyo ay ka dhigaan Dalka Kenya, sababta ayuu ku sheegay in ay ku muujinayaan xuquuqda ay leeyihiin ee ka maqan.

Raila Odinga, ayaa sheegay in dimuquraadiyadda Kenya ay halis ku jirto, isagoo ciidamada ammaanka gaar ahaan Booliiska uga digay in ay dhibaateeyaan Dadka Shacabka ah ee Rabitaankooda soo bandhigaya, waxa uu usoo jeediyay in ay ka fogaadaan kiis mustaqbalka dambe saameyn doonna.

Labadii Isniin ee u dambeysay waxaa Kenya ka dhacay Dibadbaxyo Rabshado watay oo ay dhigeen taageerayaasha Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, waxaa gacmaha isula tagalay Ciidamada rabshadaha kahortaga oo biyo iyo suntan dadka ilinta ka keenta u adeegsaday si uu u kala eryo Dadkaas.

Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay, waxaana la gubay guryo ku yaalla isku raranta Kibra ee magaalada Nairobi, iyadoo laga cabsi qabo in fowdadu ay isu beddesho rabshado qowmiyadeed.

Horseed Media