Howlgal lagu soo qab-qabtay dad ku eedeysan falal amni darro oo laga sameeyey Muqdisho

Published: March 3, 2023

Ciidamada Boliiska Soomaaliya ayaa howlgal culus oo ammaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macalin Mahdi waxaana ku wehliyay saraakiil kale oo ka kala tirsan Talisyada Booliiska ee Bari & Galbeed oo howlgalka xooggiisa ka dhacay.

Taliye ku xigeenka qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Siciid Barayare ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qabteen dad ku eedeysan in ay ka dambeeyay falalka amniga liddiga ku ah.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in dadka laga shakiyay loo gudbiyay hay’adaha ku shaqada leh si baaraan loogu sameeyo.

Horseed Media