IGAD oo markale baaq ka soo saaray dadka ay abaartu ku saameysay dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya

Published: March 29, 2023

Urur Goboleedka IGAD ayaa markale ku baaqay in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan Abaarta ku dhufatay dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

IGAD ayaa sheegtay in ka badan 17 Milyan oo ruux oo ku kala nool Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya in ay saameyn taban ku reebtay Abaarta, qaarkood ayaa degay goobo Barakac kaddib markii ay ka gacmo marnaadeen Xoolihii ay dhaqanayeen & Beerihii ay falanayeen.

Sidoo kale waxa uu IGAD soo jeediyay in indhaha si gaar ah loogu hayo Dadkaan u baahan Gargaarka Bani aadamnimo ee aanay heysan wixii ay filayeen iyo wax u dhow, Ururka IGAD ayaa sheegay in uu kordhinayo codsiyada uu ku dalbanayo in la garab qabto.

Warbixinno ay diyaariyeen Hay’adaha qaabilsan Gargaarka Bani Aadamnimo ee Qaramada Midoobay iyo kuwa gaarka ah ee aan Dowliga ahayn waxa ay ku sheegeen in weli ay taagan tahay saameynta ka dhalatay Abaarta ku dhufatay Soomaaliya, Itoobiya & Kenya.

Horseed Media