Ilhan Cumar oo ah xildhibaanad laga soo doorto dalka Mareykanka oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga, kana mid ah xubnaha aqalka sare ee loo yaqaan “Squad” ayaa ku guuleysatay tartankeedii koowaad ee gobolka Minnesota.
Xildhibaanad Ilhan ayaa loollanka adag la gashay musharrax Don Samuels, kaas oo isna u tartamayay xisbiga Dimoqraadiga, waxanay sheegtay in ay tahay guul weyn maaddaama ay garab istaag buuxa u muujiyeen taageerayaasheeda ay u horreeyso jaaliyadda Soomaaliyeed.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa si weyn u soo dhoweysay guusha Taariikhiga ah ee Ilhaan Cumar, iyagoo sheegay in aysan marnaba isku doorsanayn qof Soomaaliyeed iyo qof kale.
Ilhan Cumar ayaa heshay 56.2 boqolkiiba codadka cod bixiyaasha doorashada, marka loo barbar dhigo 42.9 boqolkiiba oo uu helay Don Samuels, sida uu sheegay xoghayaha dawladda ee Minnesota.
Horseed Media