Imaaratiga oo heshiis balaaran oo ganacsi la galay INDIA

Published: February 17, 2022

Hindiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa soo gabagabeeyay wadahadallo ku saabsan heshiis dhaqaale oo ballaaran oo looga gol leeyahay in lagu kobciyo ganacsiga iyo maalgashiga, dowladda Hindiya ayaa warkan shaacisay.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib markii Imaaraadku heshiis kan lamid ah la saxiixday Turkiga si ay u sii xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin wadamada dhaqaalahoodu xawliga u korayo.

…Wada xaajoodka labada dal waxa la bilaabay Sebtembar 2021 waana la dhammaystiray. Heshiisku wuxuu si weyn sare ugu qaadi doonaa xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee dalalka India-UAE…” ayaa lagu yiri Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya.

Imaaraatiga ayaa sidoo kale asbuucii lasoo dhaafay dowlada Israel la galay heshiis ganacsi iyo dhanka dalxiiska ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *