IMF oo dowladda Soomaaliya u ansixisay $100 milyan oo dollar

Published: December 20, 2023

Guddiga sare ee IMF ayaa si rasmi ah u ansixiyay 100 milyan oo dollar oo deyn cusub ah oo Soomaaliya la siinayo.

Ansixinta deyntan ayaa daba socota gaarista barta dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Inkasta oo ay Soomaaliya horumar ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maaliyadda, haddana waxaa weli taagan caqabado ay ka mid yihiin; khataraha dhaqaale, bulsho, amni, iyo isbedalka cimilada.

Barnaamijka cusub ayaa ujeedadiisu tahay in wax laga qabto caqabadahan, iyadoo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib-u-habeynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka marxaladda deyn cafinta ka dib.

Horseed Media