In ka badan 100 askari oo ku dhaawacmay Rabshadaha ka socda dalka Faransiiska

Published: May 2, 2023
Shares50

Dowladda France ayaa sheegtay in dibadbaxyo waaweyn, oo ay shalay sameeyeen shaqaalaha iyo dadweyne kale, ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka booliska.

Dadka mudaaharaadayay oo mucaaradsanaa madaxweynaha ayaa dibad-baxooda kusoo aadiyay Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida.

Dhanka kale qaar ka mid ah dowladaha Yurub ayaa cambaareeyay gacanta adag ee ay booliska kula dhaqemeen dibad-baxayaasha.

Isugeyn 112,000 oo qof ayaa isugu soo ururay dibadbaxyada Paris, sida ay sheegeen booliska magaaladaasi, oo ay wadar ahaan ka heleen 782,000 oo qof dalka oo dhan.

Horseed Media