Iran iyo Sacuudi oo heshiis rasmi ah kala saxiixdey soona celiyey xiriirkoodi.

Published: April 6, 2023

Heshiis ay Beijing dhex-dhexaadinaysay oo u dhexeeya Iran iyo Sacuudi Carabiya oo iska soo horjeedeen ayaa astaan ​​u ah horumar dublamaasiyadeed oo weyn kaasoo dib u qaabayn kara xiriirka gobolka oo soo maray tobanaan sano oo colaad iyo rabshado ah.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sucuudiga iyo Iran ayaa Khamiistii kulankoodii ugu horreeyay ee rasmi ah ku yeeshay magaalada Beijing muddo toddoba sano ah.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian iyo dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, waxay ka wada hadleen dib u furista safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Iran.

“Wasiirada arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Sacuudiga ayaa wada xaajood iyo fikrado is dhaafsaday iyadoo xoogga la saaray dib u soo celinta rasmiga ah ee xiriirka labada dal iyo tillaabooyinka fulinta ee ku aaddan dib u furista safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa la arkayay ergadii ugu sareysay ee laba dhinac oo isku gacan qaadaya calamada Sacuudiga iyo Iran hortooda, muuqaalka uu sii daayay TV-ga dowladda Sacuudiga ee Al Akhbariya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayuu Amir abdollahi ku sheegay in kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Sacuudiga, “in xoogga la saaro xasilloonida, amniga waara iyo horumarinta gobolka” ayaa ka mid ahaa arrimaha la isku afgartay iyo “ajendaha guud”.

Dib u heshisiin lama filaan ah

Sacuudiga ayaa Iran xiriirka u jaray todobo sano ka hor markii dibad baxayaasha Iran ay weerareen safaaradaha Sacuudiga.

Labada dal waxay taageeraan dhinacyada iska soo horjeeda ee dhowr gobol oo ku yaalla Bariga Dhexe, waxayna inta badan ku loolamaan inay saameyn ku yeeshaan Suuriya, Lubnaan iyo Ciraaq.

Bishii Maarso, Iran iyo Sacuudi Carabiya waxay ku dhawaaqeen heshiis lama filaan ah oo dib loogu soo celinayo xiriirkooda. Heshiiska ayaa dhigaya in labada dal ay dib u bilaabaan howlahooda diblomaasiyadeed muddo labo bilood gudahood ah. Waxa kale oo ay fulin doonaan heshiisyo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah oo la saxeexay in ka badan 20 sano ka hor.

Dib-u-heshiisiinta lama filaanka ah ee dhexmartay Sucuudiga oo Muslimiinta Sunniga u badan iyo Iran oo Shiicada u badan ayaa waxa ay dib u qaabayn kartaa Juquraafiga gobolka oo muddo tobanaan sano ah qalalaase ka taagnaa.

Doorka Shiinaha

Kulankaan oo muujinaya horumar diblumaasiyadeed oo suurtagelin kara in la la hagaajiyo xiriirka ka dhexeeya dalalka iska soo horjeeda ayaa waxaa gar wadeen ka ahaa Shiinaha.

Isagoo muujinaya saameynta sii kordheysa ee Shiinaha ee Bariga Dhexe , Madaxweyne Xi Jinping wuxuu xiriiriyay heshiiskii Iran iyo Sacuudi Carabiya bishii hore.

Kullankii Tehraan iyo Riyaad ee guusha ku dhammaaday waxa uu meesha ka saaray sumcadda Maraykanka oo ah dallaalka ugu weyn ee awoodda dibadda ee Bariga Dhexe.

Maraykanka oo ah xulafada soo jireenka ah ee Riyadh, balse weli colaadda Tehran kala dhexeysa dhaq-dhaqaaqeeda Nukliyeerka, ayaa soo dhoweeyay heshiiskan shaki badan.

Maraykanku waxa uu sheegay in la arki doono in Iiraaniyiintu “ay ixtiraami doonaan dhinacooda heshiiska.”

Horseed Media+Wakaaladaha