Iran oo cunaqabateynta Mareykanka uu kusoo rogay ku tilmaamtay dagaal maskaxeed

Published: August 7, 2018

Madaxweynaha dalka IranHassan Rouhani ayaa ku gacanseyray ama bannaanka u tuuray cunaqabateynta Mareykanka ee ku saabsan in la cuuryaamiyo dhaqaaalaha dalkaasi ee soo kabanaya.

Madaxweynaha oo ka hadlay Telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in aysan wax wadahadal ah iyo waanwaan la galeyn maamulka uu hoggaaminaayo MrTrump ,isagoo tilmaamay in uu wado kala qoqob iyo burbur ku yimaada dalka Iran.

Cunaqabateyntaan oo dhaqangashay habeenimadii xalay ayuu ku sheegay Mr. Rouhani in ay tahay dagaal maskaxeed la doonayo in lagu qeybiyo dadka reer Tehraan.

Midowga Yurub ayaa ka hadlay sida ay uga horjeedaan tallaabadaasi,waxayna ballan ku qaadeen in la illainaayo waxyaabaha ay sameeyaan shirkadaha dalkaasi ee sida sharciga ganacsiga ah.

Mr Trump ataa isaga baxay heshiis dalka Iran ay la gaareen 6-dal oo doonayey in xukuumadda Tehran ay joojiso sameysashada hubka niyuklerka,wuxuuna hoggaamiyahaasi ku tilmaamay mid u janjeera dhinac.

HorseedMedia 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *