Isbeddel Lagu Samaynaayo Laamaha Amniga ee Soomaaliya Kadib Weerarkii SYL

Published: March 18, 2024

Weerarkii Hotelka ku yaala aaga Madaxtooyada ee SYL ayaa kiciyey xasaasiyad aad u weyn, kadib markii muddo dheer dowladdu sheegeysey in al-Shabaab awood u lahayn in ay fuliyaan weeraro loo adeegsado qaraxyo gawaari.

Weerarka waxaa ka qaybqaatey ilaa laba gaari oo ay wateen kooxda al-Shabaab ee weerarka Hotelka ku qaadey kuwaas oo qorshohoodu ahaa in Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee Masaajidka Hotelka amni ahaan taraawiixda ugu tukada in la gumaado.

Xogta Horseed Media heshey ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rayslawasaare Xamse aad uga xumaadeen in gawaaridaasi soo dhaafto goobaha laga difaaco Madaxtooyada, sidaas darteed degdeg loogu baahan yahay in laamaha amniga wax laga beddelo.

madaxweynaha iyo Rayslawasaaraha ayaa labaduba booqdey xarunta NISA, waxaana ay faragashadeen baaritaanka kiiska yo sida gawaaridu ku soo gudubtey.

Raysalwasaare Xamse ayaa kulanla qaatey taliyaasha ciidanka, mileteriga, sirdoonka iyo Booliska, wasiirka gaashaandhigga iyo xeer ilaaliyaha guud waxaana uu ku adkeeyey in loo baahan yahay in amniga la adkeeyo, isbeddel degdeg ahna uu imaanayo.

Xilka Wasiirka Amniga ayaa banaan muddo dheer kadib markii wasiirkii hore loo magacaabey Safiir. Wararku waxay sheegayaan in Dr Mursal Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya loo wado in uu noqdo Wasiirka Amniga. Dr Mursal ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii lagu doortey Ceel Waaq waxaana uu muddo gacanyare u ahaa Madaxweynaha Jubaland kaas oo mar danbe ay kala fogaadeen. Dr. Mursal ayaa si weyn loogu yaqaan isticmaalka barta X isaga oo ka difaaca Dowlada uu ka tirsan yahay.

Xogta ayaa sheegaysa in xilka laga qaadayo taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Muxyadiin Warbac Shadoor iyo taliyaal kale oo ka hooseeya, isbeddelkan oo socon doona ayaa saameyn doona Agaasimaha hay’adda NISA, taliyaha cidanka Booliska iyo saraakiil kale.

Horseed Media