Iscasilaada Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare

Published: November 3, 2020

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay xili ay weli taagan tahay xiisada la xariirta dhismaha maamulka cusub ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweyne Waare oo saluugsanaa qaabka loo waday dhismaha Baarlamaanka Hirshabelle ee Sabtidii lagu dhaariyey Jowhar ayaa sheegay in la qaadan waayey taladii uu soo jeediyey isla markaana uu xilka iska casilay sida uu qabo dastuurka Hirshabelle.

Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Waxaa la aasaasay sannadkii 2016 iyadoo lagu jiro waqti doorasho ah. Taas waxay keentay in dhismihii Baarlamaanka Kowaad noqdo mid aan ka turjumayn una ekeyn degaannada uu metelo, ee lagu soo dhisay dano siyaasadeed oo doorashadaas la xariiray. Waxaa halkaas ka dhashay Baarlamaan aan isku miisaaneyn, beelo fara badanne ay cabashooyin ka qabaan. Waxaa uu horseeday xasilooni darro siyaasadeed oo sabab u noqday mooshinno is dabajooga, lumiyey kalsoonida shacabka, saameynna ku yeeshay amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo Xasiloonida.

Maxamed Cabdi Waare

Wuxuu sidoo kale sheegay in sanadkan markale lagu soo beegay dhismaha Hirshabelle xili doorasho isla markaana ay dhacday wax kala boobid iyo isxulufeysi lagu dhisay Baarlamaanka Hirshabeele.

Madaxweyne Waare ayaa dhaliilay odey dhaqameedka aqbalay qaabka wax loo wado iyo waliba siyaasiyiinta kasoo jeeda Hirshabelle ee ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Xisbiyada Mucaaridka oo ka aamusay ama wax kala socday arrimahan.

Waare oo xalay bartiisa twitter ku shaaciyey qoraalka is casilaadiisa ayaa yiri:

Sida uu qabo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Hirshabelle, qodobka 52aad, waxaa iska casilay xilka Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maanta oo ah Isniin, November 2, 2020

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *