Isimada Dhaqanka Puntland Oo Go’aamiyey In La Qabto Doorashadii 66da Xildhibaan

Published: November 1, 2023

Isimadda Dhaqanka Puntland ee mudadan ku shirsanaa caasimadda Garoowe ayaa caawa go’aamo kasoo saaray xaaladda cakiran ee Puntland iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Go’aanka isimadda oo ka kooban 11 qodob ayaa lagu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda 8da Janaayo, isla markaana xildhibaanada baarlamaanku ku yimaadaan sidii hore ee odayaasha dhaqanku soo xuli jireen 66da Xubnood.

Isimadda dhaqanka oo go’aankooda si weyn loo sugayey ayaa soo jeediyey nidaamka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod in looga baahan yahay dowladda iman doonta inay sii wado.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media