Isimada Dhaqanka Puntland Oo Shir Uga Furmay Magaalada Garoowe

Published: October 23, 2023

Isimada dhaqanka Puntland oo uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa shir wadatashi ah uga furmay magaalada Garowe, waxayna doonayaan inay xal u helaan khilaafka ka jira doorashada Puntland.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa warbaahinta u sheegay in ay isugu yimaadeen sidii ay jid ugu bixin lahaayeen Puntland. Wuxuu sheegay inay wax iska weydiin doonaan khilaafka ka taagan doorashada.

Shirka Garowe uga furmay isimada Puntland, ayaa kusoo aaday iyadoo magaalada Garowe laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kala sameynayaan kooxaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni.

Horseed Media