Islaan Ciise oo waan-waan ka bilaabey shaqaaqadii caasimadda Puntland ka dhacdey

Published: February 6, 2023
Shares18

Wararka soo gaaraya Horseed Media ayaa sheegaya in Islaan Ciise Islaan Maxamed uu la xiriirey saraakiisha ciidamada kumaandooska ee magaalada gudaha u soo galay, kana dalbadey in ay dib ugu noqdaan xeryahoodi.

Ciidanka Gen Jimcaale Takar ayaa saakey rasaas ku bilaabey goobaha ay ka socdeen tababarka shaqaalaha diiwaangelinta, waxaana guud ahaan magaalada laga maqley dhawaaqa rasaasta culus.

Wararku waxay sheegayaan in Islaan Ciise sidoo kale u yeeray guddiga doorashooyinka ee TPEC, sidoo kale uu xiriir la sameeyey mucaaradka diidan doorashooyinka xisbiyada ee Madaxweynaha Puntland qorsheynaayo sanadkii u danbeeyey ee muddo xileedkiisa in uu hirgeliyo.

Waxaa lagu wadaa in Islaan Ciise uu ka hadlo arrinta shaqaaqada keentey ee lagu kala aragti duwan yahay.

Horseed Media