Israa’iil oo 81 shacab ah ku xasuuqday Khan Yunis, Gaza

Published: July 23, 2024

Waxaa sii kordheysa tiradda shacabka ku dhintay duqeyn ay Israa’iil isniintii shalay la beegsatay magaalada Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.

Ugu yaraan 81 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen duqeynta, halka dadka dhaawaca ah ay ka badan yihiin 200 qof.

Weerarkan duqeynta ah ayaa yimid daqiiqado kadib markii ay ciidamada Israa’iil soo saareen digniin ah inay shacabka markale isaga qaxaan qeybo kamid ah barriga Khan Yunis, duqeynta ayaa lagu soo beegay daqiiqado kadib digniinta, xili ay shacab badan halkaasi isaga qaxayeen.

Israa’iil ayaa si joogto ah u duqeysa goobaha ay shacabka qaxay ay dib ugu noqdaan guryahooda, isla markaana duqeyn la beegsada xili ay shacabka qaxayaan.

Goobaha ay Israa’iil ku amartay shacabka inay ka baxaan ayaa waxaa ku nool ugu yaraan 400.000 qof.

Dhinaca kale Israa’iil ayaa sidoo kale shalay duqeysay magaalada Deir al-Balah ee bartamaha Gaza iyo duqeyn kale oo ay si toos ah ulla beegsadeen teendho ay ku sugnaayeen suxufiyiinta ku sugan isbitaalka Al-Aqsa.

Horseed Media