Israa’iil oo duqeyn ku dishay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Islamic Jihad

Published: May 9, 2023
Shares44

Ciidamada Israel ayaa maanta duqeyn oo xooggan oo ka dhan ah kooxda Islamic Jihad ku qaaday Marinka Gaza, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga.

Wasaaradda caafimaadka maamulka Xamza ee Gaza ay sheegtay in 12 qof lagu dilay, oo ay ku jiraan dadka dhintay haween iyo caruur.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay beegsadeen saddex hoggaamiye oo ka tirsan Islamic Jihad, oo ah koox ay u aragto argagixiso.

Bayaan ay soo saareen ayey saddexda hoggaamiye ee la beegsaday ku sheegeen Jihad Ghannam iyo Khalil Al-Bahtani oo lagu beegsaday Marinka Gaza iyo Tareq Ezzdine oo lagu weeraray Daanta Galbeed.

Islamic Jihad ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah saraakiisheeda sare la dilay, ayada oo bayaan ay soo saartay magacyadooda ku sheegtay Jihad Ghannam, oo ahaa xoghayaha golaha militariga ee guutada Al-Quds, iyo Khalil al-Bahtini oo taliye sare ka ahaa garabka militari.

Horseed Media