Israa’iil oo duqeyn ku dishay sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Xamaas

Published: July 7, 2024

Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza ayaa lagu dilay wasiir ku-xigeenka shaqada ee Xamaas, sida ay sheegtay warbaahinta Xamaas Axaddii.

Ehab al-Ghussein ayaa lala dilay saddex qof oo kale, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka deg-degga ah ee rayidka.

Israa’iil ayaa duqeymo halis ah ka geysatay marinka Qaza maanta oo Axad ah iyadoo dagaalku uu galay bishii 10-aad.

Dagaalka iyo duqeymaha ka socda Qaza ee go’doonsan ayaa si aan kala go’ lahayn u socda maanta, iyadoo dhaqaatiirta iyo gurmadka deg degga ah ee dhulkaasi ay sheegeen in ay jiraan dhimasho hor leh.

Sabtidii, wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 16 qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday iskuul ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA kaas oo hoy u ahaa dad barakacayaal ah oo ku nool deegaanka al-Nuseirat ee bartamaha Gaza.

Horseed Media