Israa’iil oo ku amartay Falastiiniyiinta inay ka baxaan goobo badan oo kamid ah magaalada Rafah

Published: May 11, 2024

Israa’iil ayaa maanta oo Sabti ah ugu baaqday Falastiiniyiinta ku sugan deegaanno badan oo ka tirsan magaalada Rafah ee koonfurta Qaza, in ay isaga guuraan oo ay tagaan aagga Al-Mawasi, taas oo muujinaysa in milatariga Israa’iil sii balaarinayaan qorshahooda ku wajahan duulaanka dhulka ah ee Rafah.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan 37 falastiiniyiin ah, oo 24 kamid ah ay ka soo jeedeen bartamaha magaalada Gaza, lagu dilay duqeymo habeen hore ka dhacay deegaanka.

Milatariga Israel ayaa sheegay in diyaaradahoodu ay duqeeyeen tobanaan bartilmaameed oo ku teedsan Marinka maalintii la soo dhaafay, iyaga oo intaa ku daray in ciidamadooda dhulka ay ka takhaluseen dagaalyahanada ku sugan deegaanka Saytuun saacadihii la soo dhaafay.

Balse xogta laga helayo Gaza ayaa sheegaysa in deegaankaasi Saytuun shalay jab weyn kasoo gaaray ciidamada Israa’iil kadib markii qaar kamid ah gaadiidkooda dagaalka lagu qarxiyey miinooyin.

Israa’iil ayaa sheegtay in 4 askari laga dilay 13 laga dhaawacay, walow la sheegayo tirada inay intaasi ka badan tahay, Israa’iil ayaa inta badan shaacin jabka soo gaara ciidamadooda.

Mareykanka oo ah maalgeliyaha ugu weyn ee militariga Israa’iil ayaa horey uga digay in ciidamadaasi gudaha u galaan magaalada Rafah oo ay ku sugan yihiin malaayiin shacabka Marinka Gaza ee horey looga soo barokiciyey guryahooda. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inay hakiyeen qeyb kamid ah hubka culus oo ay siin lahaayeen Israa’iil.

Hase yeeshee, xukuumada Xagjirka ah ee Israa’iil ayaa maanta markale ku dhawaaqday inay gudaha u geli doonaan magaalada Rafah.

Horseed Media