Israa’iil oo markale baro-kicisay shacabka Waqooyiga & bartamaha Gaza

Published: July 9, 2024

Taangiyada Israa’iil ayaa jihooyin kala duwan ka soo galay badhtamaha magaalada Gaza Isniintii, waxaanay Israa’iil ku amartay dadka rayidka ah ee reer Falastiin in ay isaga guuraan xaafadaha ka dib markii ay habeennimadii duqaymo ka dhaceen, taas oo maamulka Qaza uu sheegay in lagu dilay tobaneeyo qof.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeymaha cirka iyo madaafiicda ay ahaayeen weeraradii ugu cuslaa ee lagu qaado marinka Qaza muddo sagaal bilood ah oo ay ku dagaalamayaan ciidamada Israel iyo xoogaga Xamaas.

Horseed Media