Israa’iil oo weerar kooban ku qaadey Iran, qaraxyo laga maqley Tehran

26 October, 2024

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay duqaymo ku qaadday bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla Iran. Ma cadda…

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay duqaymo ku qaadday bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla Iran.

Ma cadda goobaha la duqeeyay iyo inta uu la egyahay khasaaraha. Maraykanka ayaa horey uga digay Israa’iil inay ka fogaato inay duqayso goobaha nukliyeerka iyo saliidda taasoo keeni karta colaadu ku baahdo gobolka.

Qaraxyo waaweyn ayaa laga soo sheegay in laga maqley Tehran. Ciidamada Iran ayaa sheegay in qaraxyada la maqlaayo ay yihiin kadib markii ay hawlgeliyeen nidaamka difaaca cirka ee Iran oo la fashiliyey weerarka Israil, sidoo kale warbaahinta Iran ayaa dadka u sheegaysa in ay is dejiyaan.

Ilaa hadda lama arag meelo gubanaya ama qiiq ka baxayo oo gantaalada Israel ay ku dhaceen. Ma jiro wax war ah oo sheegaya in Israil ay weerartey Nukliyeerka Iran iyo goobaha saliida.

Afhayeen u hadley Israel ayaa sheegay in ay soo gebagebeeyeen weerarkii jawaabta ahaa ee Iran ay ku qaadeen.

Waxaa la xirey hawada Iran iyada oo dhamaan duulimaadyada diyaaradaha rayidka ah ay ka leexdeen. Sidoo kale dalka Ciraaq ayaa xirey hawadiisa waxaana a joojiyey dhamaan duulimaadyada hawadooda.

HORSEED MEDIA