Israel ayaa shacabkeeda uga digtay weeraro uga iman kara IRAN

Published: December 4, 2020

Sirdoonka Israel ayaa Khamiistii digniin u diray shacabkooda ku sugan dalal kala duwan iyagoo sheegay inay jirto khatar uga imaan karta weeraro qorsheysan oo ay fuliyaan sirdoonka IRAN.

Dowlada Iran ayaa Israel ku eedaysay weerarkii Jimcihii hore lagu dilay Khabiirkii Nukliyeerka Mohsen Fakhrizadeh, waxayna Xukuumada Iran sheegtay inay ka aargudan doonto Israel iyo cid walba oo gacanta ku siisay weerarkaasi.

Digniinta maamulka Israel u diray Isra’iiliyiinta Qurbaha ku nool ayaa lagu sheegay in si gaar ah u feejignaadaan kuwa ku sugan dalalka Imaaraatiga, Georgia, Azerbaijan, Turkiga iyo Baxreyn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *