IRAN oo aas Qaran u sameysay khabiirkii la khaarajiyey Mohsen

Published: November 30, 2020

Khabiirkii Barnaamijka Nukliyerka Mohsen Fakhrizadeh ayaa maanta oo Isniin ah loo sameeyey aas Qaran, xili dowlada Iran ay ku goodineyso inay qaadi doonto tilaabo aargudasho ah oo ay uga jawaabeyso weerarkii Jimichii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Tehran.

Mohsen Fakhrizadeh iyo illaaladii la socotay ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay duleedka bari ee caasimada Iran, waxaana la sheegay in weerarkan kooxda fuliysay oo gaareeyey ugu yaraan 12 dabley ah ay adeegsadeen qarax iyo rasaas lala beegsaday gaarigii uu la socday mas’uulkaasi la khaarajiyey.

Illaa iyo hada lama oga tilaabada aargudashada ah oo ay dowlada Iran qaadi doonto, waxayna xukuumadaasi dilkan ku eedaysay Israel oo sidan marar hore u dishay cilmi-baarayaasha reer Iran.

Qaar kamid ah dalalka Khaliijka ee xiriirka laleh Israel ayaa durbaba cambaareeyey weerarkii ka dhacay Tehran Jimcihii lasoo dhaafay, dowlada Imaaraatiga oo jaar la ah Iran isla markaana dhawaan xiriir la sameysatay Iran ayaa Sabtidii lasoo dhaafay qoraal ay soo saareen ku cambaareeyeen weerarkaasi oo ay ku tilmaameen mid khatar gelin kara amniga gobalka, waxayna Imaaraatiga ku baaqeen in xaalada la dajiyo.

Qorshihii Israel
Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sanadkii 2018 ku eedeeyey Mohsen Fakhrizadeh inuu yahay maskaxda maamusha Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, sirdoonka Mossad ee Yahuuda ayaa sidoo kale la sheegay in muddo 10 sano ah baadi-goobayeen sidii ay ku khaarajin lahaayeen khabiirkaasi oo hada kahor ka badbaaday weerar kale oo la doonayey in lagu dilo.

Israel ayaa horey loogu eedeeyey inay sidan weeraro khaarajin ah ku dishay ugu yaraan 8 cilmi-baarayaal u dhashay Iran oo lagu tuhunsanaa inay qeyb ka ahaayeen mashaariicda qarsoodiga ah ee Militariga Iran.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xili rajo laga qabay in Dowlada Maraykanka ay dib usoo nooleyso heshiiskii lalagalay Iran ee Barnaamijka Nukliyeerka oo uu burburiyey Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Donald Trump.

Iskaashiga Sacuudiga & Israel
Israel iyo Sacuudiga ayaa horey uga digay dowlada Maraykanka inay markale xiriir la sameyso Tehran, iyagoo si weyn u taageersanaa cadaadiska Trump ku hayey Iran, hase yeeshee Joe Biden Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal cusub oo lala galo Iran.

Dilka Khabiirkan muhiimka u ahaa Iran ayaa sidoo kale lagu soo beegay todobaad kadib markii la sheegay in kulan qarsoodi ah ay dalka Sacuudiga ku yeesheen Benjamin Netanyahu iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman (MBS).

Kadib weerarkii ka dhacay Tehran ayey qaar kamid ah jaraa’idka carabta qoreen in Netanyahu kulankii uu la yeeshay MBS ka codsaday in Sacuudiga ka qeyb qaato duulaan militari oo ka dhan ah Iran, balse arrintaasi uu ka diiday Maxamed Bin Salman.

Kaalinta Maraykanka

Donald Trump ayaa dhankiisa isku dayey in kadib markii looga guuleystay doorashada uu weerar ku qaado dalka Iran si uu u abuuro xiisad cusub ee Barigga Dhexe, balse arrintaasi ayaa la sheegay inay diideen Militariga Maraykanka oo sheegay in xiligan weerar noocaas ah ku qaadi karin Iran.

Weerarkan ka dhacay Tehran ayaa lagu sheegayaa inuu lahaa labo waji oo ah in Israel ka faa’iideysato kahor inta uusan xilka ka degin Madaxweynaha Maraykanka Trump, inay khaarajiso mas’uulkan reer Iran si loo hakiyo mashaariicdii uu gacanta ku hayey, dhinaca kalena lagu khasbo Iran inay jawaab adag bixiso si loo dilo rajadii laga qabay wadahadal dhexmara dowlad cusub ee Maraykanka iyo Iran.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *