Israel oo lagu eedeeyey inay xubnaha jirka kala baxday Meydadka laga helay Gaza

Published: April 26, 2024

Qaar ka mid ah meydadka dad rayid ah oo laga helay xabaal wadareedyo ku yaala xarunta caafimaadka ee Nasser ee Khan Younis ee koonfurta Marinka Gaza ayaa sare u qaadaysa shakiga laga qabo xatooyo xubnaha jirka inay geysteen ciidamada Israel, sida ay sheegeen laamaha caafimaadka.

“Meydadka qaar ayaa la helay iyagoo gacmaha ka xiran, caloosha oo furan oo loo tolay, taas oo kor u qaadeysa shakiga laga qabo maqnaanshaha xubnaha qaar,” ayuu shir jaraa’iid ku sheegay Mohammed Al-Mughayer, agaasimaha saadka iyo qalabka ee waaxda Caafimaadka madaniga ee Gaza.

Ciidanka Israa’iil ayaa ka baxay Khan Younis 7-dii Abriil ka dib hawlgal afar bilood qaatay oo ay ka wadeen isbitaalka Nasser. Waxaana halkaasi laga helay xabaal wadareedyo ay ku duugnaayeen in ka badan 300 meyd dad shacab ah.

Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka ayaa ku baaqay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo, shacabka lagu xasuuqay Gaza.

In ka badan 34,300 oo falastiiniyiin ah ayaa inta la xaqiijiyey lagu dilay dagaalka Gaza, dadkaasi oo u badan haween iyo carruur, ku dhawaad 77,300 oo kalena waa lagu dhaawacay.

Horseed Media