Wasiirka Amniga Israel oo ku dhaawacmay shil baabuur

Published: April 26, 2024

Wasiirka Amniga Israel Itamar Ben-Gvir ayaa ku dhaawacmay shil baabuur goor hore oo maanta ah. Sawiro laga soo qaaday shilka kadib ayaa muujinaya gaariga wasiirka oo gadoomay.

Ben-Gvir ayaa gaadhigiisii ​​ku dhacay baabuur kale, waxaana wasiirka soo gaaray dhaawac fudud isaga iyo labo qof oo kale.

Afhayeen u hadlay Ben-Gvir ayaa sheegay in wasiirku “ay miyir qabo ayna xaaladiisa fiican tahay”. Waxaa hadda lagu daweynayaa cisbitaalka Shamir ee magaalada Beer Yaakov, oo qiyaastii shan iyo toban kiiloomitir koonfur bari ka xigta magaalada Tel Aviv.

Wasiirka ayaa markii uu shilku dhacay ka soo laabtay booqasho uu ku tagay bartamaha magaalada Ramla. Halkaas oo uu saaka ka dhacday weerar loo adeegsaday toorey.

Ben-Gvir ayaa kamid ah xubnaha xagjirka ah ee ka tirsan xukuumada Israel, isla markaana loo heysto danbiyada dagaalka ka socda Gaza.

Horseed Media