USA: Barack Obama oo taageeray Ms.Harris inay noqoto Murashaxa Madaxweynaha ee Dimuquraadiga

Published: July 26, 2024

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa taageeray inay musharaxa Madaxweynaha ee Xisiga Dimuqraadiga ay noqoto Madaxweyne kuxigeenka Kamala Harris Jimcihii, taasoo sare u qaaday ololaheeda Doorashada November.

Hogaamiyihii hore ee saamaynta ku dhex leh xisbiga Dimuquraadiga ayaa kamid noqoday madaxda ugu danbeysay ee xisbiga Dimuquraadiga ee taageera Kamala Harris, Madaxweyne kuxigeenka Harris ayaa horey u heshay taageerada Madaxweynaha xilka haya Joe Biden oo todobaadkan isaga haray tartanka.

Harris oo ah haweenaydii ugu horreysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota waddanka, ayaa doonaysa inay mar kale taariikh samayso bisha Nofembar – iyadoo khamiistii shalay dardar gelisay ololaheeda, isla markaana weerar ba’an ku qaadday Murashaxa xisiga Jamhuuriga Trump iyo “xagjirnimadiisa”.

Horseed Media