USA: Harris “…Indhaha kama qarsan doono dhibaatada ka jirta Gaza…”

Published: July 26, 2024

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka ahna murashaxa Madaxweynaha xisbiga Dimuquraadiga Kamala Harris ayaa sheegtay inaysan ka aamusi doonin dhibaatada heysata shacabka Falastiin, kadib markii ay kulan la yeelatay Raysalwasaraha Israel Netanyahu oo Mareykanka booqasho ku jooga.

“…waxaan u sheegay Raysalwasaaraha Israel in xiligan lama huraan ay tahay inuu aqbalo heshiiska xabad joojinta ah…” ayey tiri Harris oo warbaahinta u sheegtay wixii ay kuwada hadleen Benjamin Netanyahu.

Kamala Harris oo la hadleysay boqolaalka kun ee shacabka Mareykanka ee ka mudaharaadaya xasuuqa Israel ka wado Gaza, ayaa sheegtay in aysan iyadu ka aamusi doonin dhibaatada heysata shacabka Falastiin.

“…Dhamaan dadka ku baaqaya xabad joojinta iyo nabadda, waa idiin jeeda waana idin maqlayaa…waxa ka dhacayey Gaza 9kii bilood ee lasoo dhaafay waa musiibo…muuqaalada meydadka caruurta, shacabka macluulsan ee dhibaateysan ee qaxaya, oo markale dib loo qaxinayo, maaha wax aan indhaha ka qarsan karno…Anigana kama aamusi doono inaan ka hadlo…”ayey tiri Kamala Harris oo warbaahinta la hadlayesay.

Waxaa weli magaalada Washington DC ka socda mudaharaadka looga soo horjeedo wafdiga Netanyahu oo markale taageero ka doonaya Mareykanka oo ah dalka ugu weyn ee maalgeliya militarigooda.

Kamala Harris ayaa ka baaqatay inay ka qeyb gasho kulankii Netanyahu la yeeshay Kongareeska Mareykanka Arbacadii, iyo kulankii shalay dhexmaray Biden iyo hogaamiyaha Israel, waxayna u muuqata inay dooneyso inay iska fogeyso dhaliisha loo jeedinayo Madaxweynaha xilka haya ee Joe Biden oo ay isku xisbi yihiin, kaasi oo lagu eedeenayo taageerada indho la’aanta ah ee uu siiyo Israel.

Madaxweynaha xilka haya ee Joe Biden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay shalay Netanyahu, xili inta badan taageerayaasha xisbiga taladda haya ee Dimuquraadiga ay si weyn u cambaareenayaan xasuuqa Israel ka wado Gaza.

Biden oo cadaadis kala kulmaya shacabka taageera xisbigiisa ayaa ku micneeyey kulanka uu la yeeshay Netanyahu, inuu kala hadlayey sidii loo dhaqan gelin lahaa xabad joojin lagu soo afjaro dagaalka Gaza, waa siduu hadalka u dhigayee.

Waxaa lagu wadaa maanta oo Jimce ah inuu Netanyahu la kulmo hogaamiyaha xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ay dhanka siyaasadda si weyn isugu dhaw yihiin, murashaxa Jamhuuriga Trump ayaa isagu sheegay inuu ku taageeri doono Israel duulaanka ay ka wadaan Marinka Gaza.

Horseed Media