Israel oo duqeysay caasimada Lubnaan ee Beyruut

Published: July 30, 2024

Militariga Israel ayaa caawa duqeeyey koonfurta magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan, halkaasi oo ay ku xoogan yihiin kooxda Xisbullah.

Illaa iyo hada faah faahin dheeraad ah lagama bixin, walow ay jiraan dhimasho iyo dhaawac.

Lama oga qaabka ay uga jawaabi doonto Xisbullah duqeynta caawa, iyadoo Israel sheegtay in weerarkan la beegsatay sarkaal sare oo ka tirsan Hogaanka militariga Xisbullah.

Sarkaalka Israel damacsaneyd inay duqeyntan ku khaarajiso ayaa lagu magacaabaa Fuad Shukr, sarkaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sugnaa goobta la duqeeyey.

Israel ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku goodineysay inay duqeyn doonto Lubnaan, si ay uga aargudato duqeyntii sabtidii lasoo dhaafay ka dhacday dhulka buuraleyda Golan oo ay Israel ka qabsatay Suuriya.

Weerarkii Sabtidii ayey ku dhinteen ugu 12 qof oo u badan caruur iyo dhalinyaro banooni ciyaarayey.

Kooxda Xisbullah ayaa weerarkaasi iska fogeysay, iyadoo shaki la geliyey in weerarkaasi Israel uga gol lahayd inay marmarsiinyo uga dhigato duqeynta Lubnaan, sida ay ku doodeen xulafada Xisbullah.

Dhaq dhaqaaqa Xisbullah iyo Israel ayaa duqeyn is-weydaarsanayey tan iyo intuu bilowday duulaanka Israel ee Marinka Gaza, iyadoo Xisbullah sheegtay inay sii wadi doonto duqeynta ay la beegsaneyso dhulka ay heysato Israel inta uu socdo xasuuqa ay ka wado Gaza.

Horseed Media