Israel oo markale baro-kicisay shacabka Khan Yunis, Gaza

Published: July 2, 2024

Ciidamada Israel ayaa Isniintii amar ku siiyay Falastiiniyiinta ku nool bariga magaalada Khan Yunis ee koonfurta Marinka Qasa inay si deg deg ah uga baxaan kahor weerar cusub oo dhanka dhulka ah.

Goobta la amray in laga guuro waxaa sidoo kale ka mid ah isbitaalka Europe ee Qasa, kaas oo ka mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee hada ka howlgala marinka Qasa.

In ka badan siddeed bilood oo uu socday duulaanka Israa’iil, inta badan Qasa ayaa gebi ahaan la burburiyey iyada oo ay Israel ka jartay shacabka cuntada, biyaha nadiifka ah iyo daawada.

Ugu yaraan 37,900 oo falastiiniyiin ah ayaa tan iyo markaas la xasuuqay, kuwaas oo u badan haween iyo carruur, iyo ku dhawaad ​​87,060 kale oo la dhaawacay, sida ay sheegeen hay’adaha caafimaadka.

Horseed Media