Istraatiijiyadda  cusub ee UK ay ka leedahay Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay Puntland iyo SSC-Khaatumo.

Published: December 4, 2023
Shares18

Istraatiijiyada dalalka reer galbeedku ka lee yihiin dalalka kale ee danahoodu ku xidhan yihiin, waxay martaa maraaxiil kala duwan, waxayna leedahay khariidad   leh shaqooyin u qaabeysan hortebin, taas oo isku beddeli kartaa hadba xaaladda timaada. Istraatiijiyadda reer galbeedka ee ku aadan Soomaaliya ay si degdeg ah isu bedalaysey tan iyo duulaankii Ruushku ku qaadey dalka Ukraine.

Labaatankii sano ee u danbeysey Istraatiijiyadda reer galbeedka  ee Soomaaliya waxay ahayd mid aan wax badan iska beddelin taas oo xoogga saareysey,  gargaarka cunnada ee dalka la siyo, la dagaalanka xag-jirnimada, ku lug-lahaanshaha dagaalada tooska ah ee al-Shabaab/Daacish. Marna ma  dhicin in si toos ah danaha la wadaago la is dhaafsado, iyada oo la arki karo  qorshaha fog ee reer galbeedku ka lahaayeen Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dalalka sida weyn u daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in ay hoggaanka u qabatey  isbeddelkan cusub ee Soomaaliya, kadib markii ay  si buuxda uga baxdey Midowga Yurub.

Shirka Bedqabka Cunnada Adduunka ee ay sida wada jirka ah u wada guddoomiyeen Soomaaliya iyo Britain ee lagu qabtey London  dhamaadkii bishii hore ee Nofeembar 2023 waxa uu daaha ka rogey isbeddelka weyn ee ku imaanaya siyaasadda Geeska Afrika, marka la eego heshiiska Raysalwasaaraha Britain Mr Rishi Sunak iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ay wada saxiixdeen kaas oo ka baxsanaa cinwaankii shirka ee “Bed-qabka cunnada adduunka” waxaana uu la xiriirey saaxiibtinimada cusub ee Soomaaliya iyo UK.

Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya Mr Michael Nithavrianakis  oo todobaadkan  yimid magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka dhacayaan/dhaceen isbeddelo waaweeyn kuwaas oo loo baahan yahay in Puntland ay qayb ka noqoto, isbeddalada waaweyn ayaa u gogol xaaraya Soomaaliya oo gasha weji cusub, waxaana ka mid ah isbeddalada Mr Nithavrianakis  sheegay.

  1. Qaadista xanibaada hubka ee Soomaaliya, taas oo UK ka soo shaqeysey
  2. Barnaamijka DEYN CAFINTA oo isla  sanadkan ama bilowga 2024 la dhamaystiraayo
  3. Qabyo-tirka dastuurka cusub ee Soomaaliy, waxaa si weyn u taageersan dowladda UK oo dhaqaale ku bixisey
  4. Heshiiska SSC iyo Somaliland
  5. Dib u bilaabidda wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland iyada oo lagu salaynaayo Istraatiijiyadda Koonfur iyo Waqooyi.
  6. al-Shabaab oo lala furo wada hadal nabadeed galkaas oo mar dhaw loo gacan-geliyey dowlad carbeed.

QAADISTA XANIBAADA HUBKA

Kadib markii ay dhacdey dowalddii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxaa dalka ka curtey dagaalo sokeeye, taas oo keentey sanadkii 1992 Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay Soomaaliya ku soo rogaan qaraarka xanibaada hubka,  waxaa la dhisey guddiga la socodka cunno-qabateynta hubka. Marna laguma guuleysan in hubka iyo rasaasta Soomaaliya laga xanibo waxaana ay ku soo geli jireen waddooyin kala duwan. Haddaba maxaa is bedalay hadda oo xanibaada loo qaadey? Dowaldda Soomaaliya miyaa yeelatey awood weyn oo ay dalka ku maamusho, ku sugto amniga xuduudkeeda Bad iyo Berri? Jawaabtu waa maya dowladda hadda jirta kama awood iyo itaal roona kuwii horey dalka u soo marey, sababta ugu weyn ee Soomaaliya hadda ku muteysatey ayaa ah in dalalka reer galbeedku  ka dhex arkeen danahooda  in Soomaalya laga qaado xanibaada hubka, gaar ahaan Dowladda Ingiriiska.  Qorshaha qaadista xanibaadda waxaa si weyn uga faa’ideysanaaya shirkaddo laga lee yahay dalka Ingiriiska taas oo hadda Ruushku uu dacwad iyo dood ka keenay.

HESHIISKA SSC IYO SOMALILAND

Xaaladda Somaliland waa mid cakiran. Doorashooyinkii Madaxweynaha Somaliland ma qabsoomin taas oo muddeysneyd 13 Nofeembar 2022, waxaa Madaxweynaha loogu daray muddo laba sano ah, ilaa hadda ma muuqato in doorasho la qaban doono. Ciidamada Somaliland oo muddo 7 bilood ah dagaalo ka wadey gobolka Sool waxaa looga guuleystey dagaalkii mudada dheer socdey. Dhanka kale inta badan degmoyinka gobolka Sanaag waxaa ka dhacay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ee Puntland taas oo xaqiijisey ka mid ahaanshahooda Puntland meeshana ka saartey in uu yahay gobol lagu muran san yahay.

Laascaanood waxaa looga dhawaaqey bishii Agoosto 2023 maamulka SSC-Khaatumo, waxaana la dhamaystirey haykalkiisi dowladnimo. Dowladda federaalka ah waxay si taxadar leh u aqoonsatey maamulka uu hoggaamiyaha ka yahay Cabdulqaadir Firdhiye ee SSC-Khaatumo waxayna ballan qaadey in ay la shaqeyneyso. Dowaldda Puntland ayaa sidoo kale soo dhaweysey iyada oo  beelaha SSC ay horey wax uga dhisteen Puntland.

Istaraatiijiyadda cusub ee UK ayaa ah in la burburiyo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, marka hore lagu dayo heshiis nabadeed in ay la galaan Somaliland haddii taasi socon weydo in awood loo isticmaalo oo la gaarsiiyo heer ay heshiiska oggolaadaan, haddaba si loo burburiyo SSC-Khaatumo waa in la helo qorshe lagu qaybin karo beelaha Hartiga ah ee awooda u sheegtey ciidamada Somaliland . 

Safiirka UK ee Soomaaliya Mr Nithavrianakis, waxa uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku dhiiri geliyey ku adkeysiga iyo hirgelinta doorashada qof-iyo-cod, sidoo kale waxaa laga codsadey in uu gacan ka geysto heshiis dhexmarai Somaliland iyo SSC-Khaatumo si dadban ama si toos ah. Dadka arrimahan fahamsan ayaa sheegaya in qorshaha ugu weyn ee UK uu yahay in qalalaase ka dhaco Puntland oo dagaalo siyaasadeed ay ka bilowdaan, taasi waxay kenaysaa in beelaha Hartiga ah la kala jabiyo awoodooda, kuwaas oo badankood ku khasbanaada ama in ay qayb ka noqdaan colaada Puntland ama in ay difaac ka xirtaan gobolka Sanaag.

Dowladda Ingiriiska oo iska leh khibrad guumeysi waxay aaminsan tahay in Puntland leedahay nidaam dhaqan siyaasadeed oo ay ku maareyn karto xiisahada dagaal, taas oo ay horseed ka noqon karaan Isimmada PUntland ugu danbeyn Puntland ay aadi doonto doorashooyin iyada oo inta ka daciifsan oo aan awoodi karin in ay wax ka difaacdo SSC-Khaatumo, khariidaduna isbeddeli karto, sidoo kale ku khasabanaan doonto in nidaamka Muqdisho u hoggaansanto.

Iyada oo laga war sugaayo dhinacyada waan-waanta ku jirey ee ku sugan Garoowe isla maalintii Safiirka UK uu booqashada ku yimid Garoowe, kadib markii ay shir wadayeesheen waxaa Madaxweyne Deni oo ay garbihiisa taagan yihiin Xisbiyada siyaasadda ku dhawaaqey in doorasho loo dareeray, isaga oo og in xeerkii doorashada la soo diidey, heshiis uu ku dhaafo 8 janaayo aanu jirin, taasi waxay muujineysaa sida Madaxweynaha Puntland loo dhex marsiiyey qorshahan cusub ee qalalaase in laga rido Puntland si loo burburiyo SSC-Khaatumo.

Dadka fahamsan istaatiijiyadda cusub ee UK ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qorshaha ugu weyn ee Ingiriisku ka lee yahay Soomaaliya ay tahay sidii Soomaaliya loo gelin lahaa deyn aad u fara badan oo isugu jirta lacag iyo hub. Shirkadaha hubka ka ganacsada ee Ingiriiska ayaa noqonaya cidda ugu weyn ee ka faa’ideysta deynta Ingiriisku la damacsan yahay in uu Soomaaliya ku harqiyo. 

KHEYRAADKA SHIDAALKA

Dowladda Ingiriisku waxay muddo dheer kala shaqeyneysey Somaliland sidii loo soo saari lahaa kheyraadka shidaalka oo ay ka lahayd qorshe fog, meelaha ay sida weyn u dooneyso waxaa ka mid ah ceelashada dooxada Nugaal gaar ahaan halka loo yaqaan Holhol.

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA

Waxaa si xawli ah ku socda meel marinta dastuurka Soomaaliya kaas oo ay wadaa Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka labadiisa aqal  iyada oo  si weyn la isugu hayo qodobo masiiri ah oo Golaha Wadatashiga Qaran ku heshiiyeen bishii May ee sanadkan 2023 iyada oo Puntland ka maqan tahay. Waxaana ka mid ah in dalka laga raro nidaamka baarlamaaniga ah loona raro nidaamka madaxtooyada,  si kale, in meesha laga saaro raysalwasaare madaxweyne magacaabo lagana dhigo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen, qodobka labaad ee muranka weyn ka taagan yahay ayaa ah in dalku yeesho laba Xisbi oo keliya.

Arrintan waxaa aad uga horyimid siyaasayiinta badankood kuwaas oo xilka kula tartamey Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud doorashadii ugu danbeysey. Madaxweynaha ayaa hadda iibinaya qorshe ah in Dastuurka la beddalaayo uu yahay mid Puntland samaysatey Garowe 1 iyo Garowe 2, sidaas darteed waxa uu ka shaqeynaayo ay dantu ugu jirto siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya. Isla qorshahan ayaa salka ku haya wax qaybsiga Koonfur iyo Waqooyi sida hadda dowladdu Ingiriisku ay wax u wado in labada Xisbi ay noqdaan kuwo laga soo kala doorto  Hargeysa iyo Muqdisho.

MAXAA DAN U AH PUNTLAND IYO SSC-KHAATUMO

SSC-Khaatumo

SSC-Khaatumo waxaa xil ka saaran yahay ka shaqeynta amniga iyo deganaanshaha Puntland, waxay wada saaran yihiin hal doon, waxaa lama huraan ah in siyaasad ahaan iyo awood ciidan ahaanba ay ku soo galaan xaaladda Puntland sidii loo dejin lahaa oo doorasho u dhici lahayd loona fulin lahaa guddoonkii isimmada Puntland.

SSC-Khaatumo waa in ay u diyaar garoobaan istraatiijiyadda burburinta ah ee UK ay gobolka ku soo wado,  xal loo helo in aan dagaalka siyaasadeed loo beddelin mid qabiil lagana shaqeeyo sidii difaaca loo adkeysan lahaa.

Puntland

Puntland waxay door muhim ah ka ciyaari jirtey geedi socodka dowladnimada  Soomaaliya muddo dheer saaxadda waa ka maqan tahay tan iyo markii madaxweynaha Puntland looga adkaadey doorashadii Madaxweynaha federaalka ah sanadkii 2022. Nuur & Naaleeye waxay isugu yimaadeen Garoowe sidii xal loo heli lahaa, dadka indhahooda waxaa ka muuqda cabsi, waxaa istaagey maalgashiga Puntland, waxaana cirka isku shareeray fakhriga.

Waxaa la fahamsan yahay qaar kamid ah dalalka reer galbeedku ay faa’ideysanayaan damaca weyn ee madaxweynaha Puntland in hadda la soo dhexmariyey qorshaha  khiyaamada ah ee ka dhanka SSC-Khaatumo oo dedaal naf-hurnimo ah ku bixiyey in ay aayahooda ka tashtaan.  Waxaa muuqata in beesha caalamku aysan kala jecleyn dagaal ka dhaca Puntland ee ay tahay mid lagu edbinaayo dantooduna sidaas ku jirto.

Xalka Puntland waa in doorashadu ku dhacdaa wakhtigeedi, taas oo ah mid la isla oggol yahay, nabadgelyo ku dhacda, kuna qotonta guddoonkii  inta badan isimmada Puntland ee 1da Nofeembar,  wixii intaas ka danbeeya waxay noqon taariikh laga sheekayn doono.

Horseed Media