Itoobiya oo cambaareysay Baaq uga yimid Safiirka Mareykanka!

Published: May 16, 2024

Xukuumada Itoobiya ayaa maanta qoraal ay soo saartay si adag u cambaareysay war uu shalay (15kii May) uu soo saaray Safiirka Mareykanka u fadhiyada Addis Ababa oo ka hadlay xaalada bini’aadamtinimo, dagaalada ka socda Itoobiya iyo Baaqa wadahadal nabadeed.

Wasaaradda arrimaha Dibada ee Itoobiya ayaa hadalka Safiirka Mareykanka ku tilmaamtay mid khaldan oo faro gelinaya arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Safiirka Mareykanka Ervin J. Massinga ayaa ka hadlay xasuuqyadii horey uga dhacay dalka Itoobiya, Isagoo barbar-dhigaya caqabadaha maanta taagan, ayuu danjiruhu tilmaamay dhinacyada muhiimka ah ee siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan xuquuqul insaanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo sharafta aadanaha iyo in nabadda lagu raadiyo wada hadal.

Wuxuuna ka hadlayay gobollada ay dagaalada ka socdaan, isagoo taliska Abiy Ahmed ku booriyey nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Safiirka ayaa hoosta ka xarriiqay doorka beesha caalamka oo uu Maraykanku ku jiro ee dhinaca horumarinta xuquuqul insaanka iyo fududaynta wada hadalka. Waxa uu qiray caqabadaha la soo gudboonaaday isaga oo mar kale xaqiijinaya in ay ka go’an tahay in la saxo khaladaadkii hore iyo in lagu dadaalo caddaaladda.

Hadaba, warka maanta oo Khamiis ah kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in hadalkan uu ka horimaanayo xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka & Itoobiya ee ku dhisan saaxiibtinimada iyo waliba xiriirka diblumaasiyadeed.

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda ay doonayaan inay qoriga-caaradiisa ay ku riddaan dowlada lasoo doortay.

Wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa intaas ku dartay inay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay Mareykanka ee ku aadan arrimaha dimuquraadiyada, xuquuqul insaanka iyo nabadda gobalka, sidoo kalena dooneyso inay kala shaqeyso safaarada Mareykanka ee Addis Ababa sidii lagu sixi lahaa hadalada khaldan ee khudbadii Safiirka.

Horseed Media