Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in cidamadeedu ay dagaal ku galeen gobolka Bakool, sida ay al-Shabaab sheegteen.…
Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in cidamadeedu ay dagaal ku galeen gobolka Bakool, sida ay al-Shabaab sheegteen.
Malayshiyaadka al-Shabaab ayaa sheegtey in ay dagaal la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur Ciidamada Itoobiya oo fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.
Ururka Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari.
Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware oo waraysi siiyey laanta afsoomalaiga ee VOA ayaa u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”
“Waa ay isku dayi karaan “inay weeraraan ciidamada Itoobiya” balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.
“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.”
Ilo wareedyo madaxbanaan ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah uu qabsadey cidamada Itoobiya, kaas oo looga gubey gawaari, maxaabiis looga qabsadey laakiin khasaaraha al-Shabaab ay sheegteen in uu yahay mid aad u buunbuunisey.