Itoobiya xabsiga u taxaabtay 47 qof oo lagu tuhmay af-gembi

Published: May 1, 2023
Shares18

Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay xireen 47 qof oo isugu jira suxufiyiin iyo dad u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada, kuwaas oo isku dayayey in la afgambiyo ismaamulka dhaca woqooyi dalka Itoobiya ee Amxaarada.

Sidoo kale dowladda, ayaa qabatay hub iyo walxaha qarxa, taaasoo lagu fulin rabay fal argagixisanimo.

Xarigga ayaa yimid maalmo, kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Itoobiya, ay dabley hubaysan ay toogteen.

Qaar ka mid ah dadka la xiray oo ay aqoonsadeen ciidamada ammaanka iyo sirdoonka ee dalka Itoobiya, ayaa hadda kahor la xiray, iyadoo sii deyntooda kadibna uu haatanna dhacay dilka.

Horseed Media