Jaamacadda Carabta oo ku baaqay in Ciidamo Caalami ah oo nabad-illaalin oo loo diro Marinka Gaza

Published: May 16, 2024

Shirka dalalka Carabta ayaa oo khamiis ah ka dhacay magaalada Manama ee dalka Baxreyn, xili dagaalka Gaza uu socdo muddo 7 bilood ah, dagaalkaasi oo gilgilay guud ahaan gobolka.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in ciidamo nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ka socda la geeyo dhulka Falastiin.

“Bayaanka Manama” ee ay soo saareen 22-ka xubnood ee ururka ayaa ku baaqay “ilaalinta shacabka Falastiin iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay in la geeyo dhulka Falastiin ee la haysto” ilaa laga hirgaliyo xal laba dawladood ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale loogu baaqay “dhammaan kooxaha falastiiniyiinta inay ku biiraan dallada Ururka Xoreynta Falastiin PLO,” oo hada hoos taga dhaqdhaqaaqa Fatah ee xaruntooda tahay Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Jaamacadda Carabta ayaa intaa ku dartay in ay u aqoonsan tahay ururka PLO “matelka kaliya ee sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta.”, go’aankan oo ah mid ka dhan ah ururka Xamaas ee ka taliya Marinka Gaza.

Horseed Media