Japan: Askar lagu dilay weerar ka dhacay xero tababar

Published: June 14, 2023

Labo askari ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday xero tababarka oo ku taal bartamaha dalkaasi maanta oo Arbaca ah.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu geystay mid kamid ah askarta tababarka u socday oo la sheegay inuu yahay 18 sano jir.

War kasoo baxay Taliska Militariga Japan ayaa lagu sheegay in askarigan uu rasaas ku furay 3 askari oo kale xili lagu jiray tababarka dabridka.

Askariga falkan geystay ayaa gacanta lagu dhigay iyadoo aan weli faah faahin laga bixin sababta uu falkan u geystay.

Horseed Media