Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo safiirka dowladda Japan ee dalka…
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo safiirka dowladda Japan ee dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi ayaa manta oo khamiis ah si wadajir ah u saxiixay heshiis dowladda Japan ay ku cafinayso lacag dhan ¥14 bilyan oo lacagta Japan ee Yen ka ah taas oo doollar ahaan u dhiganta qiyaastii $90 milyan oo dollarka Maraykanka ah.
Heshiiskaan uu maanta saxiixay Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal kasta oo Soomaaliya ku leh deyn gaarkiisa loola xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee 2024-ka.
Munaasabadda heshiiska lagu saxiixay ayaa Biixi Imaan Cige wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS khudbad kooban oo uu ka jeediyey ugu mahadceliyay shacabka iyo dowladda Japan ee sida deeqsinimada leh ugu dhawaaqay in ay saamexeen dhammaan deymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tani ay dhiirigalin u tahay dowladda Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirtan dib-u-habeynta maaliyadda iyo sare u qaadidda dakhliga si loo gaaro isku filanaan dhaqaale.
Safiirka dowladda Japan oo munaasabadda saxiixa ka hadley ayaa dhankiisa ballan qaaday in dowladdiisa Japan ay sii wadi doonto la shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo ku garabsiinta mashaariicda horumarineed oo ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa lagu yeeshay deyn dhan 4.5 bilyan oo dollar, taas oo si guud looga cafiyey, iyada oo la raacayo nidaamka loo yaqaan HIPIC ee Wadamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu leeyahay. Dowladda Maraykanka ayaa isla todobaadkan Soomaaliya ka cafisey deyn dhan 1.14 bilyan oo dolllar.
HORSEED MEDIA