USA: Joe Biden oo sheegay inuu sixi doono Khaladadaadkii Donald Trump

Published: August 21, 2020

Murashaxa xisbiga Dimuquraadiga ah ee dalka Maraykanka Joe Biden oo si rasmi ah u aqbalay inuu noqdo murashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi ayaa xiritaankii shirweynaha Dimuquraadiga kasoo jeediyey khudbad uu uga hadlayo qorshihiisa.

Joe Biden ayaa noqonaya murashaxii ugu da’a weynaa ee xilka Madaxweynaha u tartama.

Biden oo soo noqday Senator iyo Madaxweyne kuxigeenkii Xukuumadii Barack Obama, ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka uu abuuray Donald Trump, gudaha dalkaasi iyo dibada-ba.

Hogaamiyaha xisbiga Dimuquraadiga ayaa sidoo kale laga doonayaa inuu mideeyo dhaq dhaqaaqa isbedal doonka ah ee xisbiga Dimuquraadiga oo u badan dhalinyaro kuwaasi oo si weyn u taageerayey murashaxiintii isaga la tartamayey sida Senator Bernie Sanders.

Ololaha Doorashada 2020 ayaa sanadkan kusoo beegmay xili wadanka Maraykanka uu khasaaro ba’an ka geystay cudurka Covid19, isla markaana dhaqaalaha hoos usii dhacayo, halka shaqo la’aanta ay badatay.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *