Jowhar: Dagaal ka dhacay garoonka Diyaaradaha

Published: November 4, 2023

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Komaandooska Danab iyo kuwa Madaxtooyada Hirshabelle ayaa la sheegay inay ka dhalatay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dowlada Hirshabelle ayaa dagaalkan ku eedaysay ciidamada DANAB oo saldhigoodu yahay garoonka, kuwaasi oo la sheegay inay weerareen Ciidamada Hirshabelle.

Ciidamada Madaxtooyada Hirshabelle oo galbinayey wafdi uu hogaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa khasaaro soo gaaray.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Luqmaan ayaa sheegay in dhimasho & dhaawac soo gaaray ciidamadii la socday iyo xildhibaano.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa la sheegay inay kusii jeedeen magaalada Muqdisho.

Shalay ayuu magaalada Jowhar ka dhacay dagaal u dhaxeeya Danab iyo ciidamada Hirshabelle, waxaana ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Danab.

Dagaalka maanta oo saameyn ku yeeshay caasimada Hirshabelle ayaa la sheegay inuu daba-socdo iska horimaadkii shalay.

Horseed Media