Juxa oo waxba kama jiraan ka dhigay waraaqdii Shaahdoon

Published: January 3, 2023

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa waxba kama ka dhigay waraaq uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon.

Guddoomiye Shaahdoon ayaa soo saaray waraaq uu ku amray hoteelada magaalada Boosaaso inaan lagu qaban karin shirar ay dowladu ogayn, balse waxaa arrintaasi ka horyimid Wasiir Juxa.

Wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxa oo waraaq soo saaray ayaa sheegay isaga oo ka duulaya hannaanka dardargelinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka in dadka reer Puntland ay xuquuq dastuuri ah u leeyihiin in ay qabsadaan Shir iyo kulamo kala duwan, kuwaas oo ay ku cabirayaan arragtidooda siyaasadeed, bulsho iyo dhaqanba, isla markaasna aan wax u dhimanyn amniga iyo xasiloonada Dawladda Puntland.

Arrinta ayaa ku aadaysa xili shanta bishan Janaayo loo balansan yahay in wajiga koowaad ee diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada qof iyo cod ay ka bilaabato seddexda gobol ee Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Hoos ka akhriso waraaqda Wasiirka:

Waraaqda Guddoomiyaha Gobolka Bari:




Horseed Media