Published: February 9, 2020
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/02/85078817_846422482437940_6044534082430304256_o.jpg)
Madaxweyne Ku- xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shahaadooyin guddoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Hay’adaha WFP iyo UN-OCHA, kuwaasoo door weyn ka gaystay gurmadka dadkii ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland.
Kulanka Waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gamadiid iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan.
Horseed Media, 2020