Kenya oo dib u fureysa xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya

Published: May 15, 2023

Dowladda Kenya ayaa ogolaatay inay si rasmi ah dib u furto xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya ee Mandheera, Lamu iyo Gaarisa 90-ka maalmood ee soo socda.

30-ka  maalin ee u horreysa waxaa la furi doonaa xadka Beled Xaawo iyo  Mandheera.

Go’aankan wuxuu ka dambeeyay wada-hadal ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi Wasiirrada amniga, arrimaha gudaha, Arrimaha dibadda iyo Gaashandhigga labada dal .

Wada-hadalladan ayaa daba socda kulamo ka dhacay xadka iyo heshiis ay horey labada dal u wada galeen.

Xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ayaa si rasmi ah loo xiray 2011-kii sababo la xiriira weerarro ka dhacay gudaha Kenya oo ay qaadday Al-Shabaab.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xuduud dhuleed gaareysa 680-km (420-mile).

Horseed Media