Kenya oo muwaadiniinteeda kasoo daadgureyneysa dalka Suudaan

Published: April 17, 2023
Shares2

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Alfred Mutua ayaa sheegay in ugu yaraan 3,000 oo Kenyan ah ay ku xayiran yihiin dagaalka ka socda dalka Suudaan.

Wasiir Mutua ayaa sheegay in dowladdu ay la xiriirtay shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways, si ay isugu daydo oo ay usoo daadgureyso dadkaasi marka ay xaaladda dagaalka qabowdo.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka codsaday madaxda gobolka in ay mowqif adag ka qaataan xiisadda Suudaan, si loo soo celiyo xasiloonidii dalkaasi.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa RSF ayaa weli ka socda dalkaasi, inkastoo beesha caalamka ay ka codsadeen dhinacyada dagaallamaya inay xabadda joojiyaan.

Horseed Media